{"id":100443,"date":"2025-07-24T13:14:51","date_gmt":"2025-07-24T12:14:51","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100443"},"modified":"2025-07-24T13:15:22","modified_gmt":"2025-07-24T12:15:22","slug":"ciidamada-gaarka-ah-ee-harcciidamada-gaarka-ah-ee-haramcad-oo-loo-daabushay-gobolka-gadoiidamada-gaarka-ah-ee-haramcad-oo-loo-daabushay-gobolka-gadoamcad-oo-loo-daabushay-gobolka-gado","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/ciidamada-gaarka-ah-ee-harcciidamada-gaarka-ah-ee-haramcad-oo-loo-daabushay-gobolka-gadoiidamada-gaarka-ah-ee-haramcad-oo-loo-daabushay-gobolka-gadoamcad-oo-loo-daabushay-gobolka-gado\/","title":{"rendered":"Ciidamada gaarka ah ee Haramcad oo loo daabulay gobolka Gado"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada gaarka ah ee Haramcad u daabushay gobolka Gedo ee maamul-goboleedka Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad u dhaxaysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland.<\/p>\n<p>Labadii maalin ee la soo dhaafay dagaalo khasaare geystay ayaa ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadib markii uu halkaas tegay Cabdirashiid Janan iyo wafdi uu hoggaaminayo.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Cabdirashiid Janan u magacawday taliyaha ciidamada NISA ee gobolka Gedo.<\/p>\n<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sidan oo kale bishii Diseembar 2024-ka waxay ciidamada gaarka ah ee Harmacad geysay deegaanka Raas-Kambooni ee maamul-goboleedka Jubbaland.<\/p>\n<p>Dadka deggan deegaanada gobolka Gedo ayaa dhibbane u noqday khilaafka siyaasadeed ee soo noqnoqday kaas oo u dhexeeya maamul-goboleedka Jubbaland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ciidamada gaarka ah ee Haramcad u daabushay gobolka Gedo ee maamul-goboleedka Jubbaland oo maalmihii ugu dambeeyay ay ka taagneyd xiisad u dhaxaysa dowladda Federaalka iyo maamulka Jubbaland. Labadii maalin ee la soo dhaafay dagaalo khasaare geystay ayaa ka dhacay magaalada Baladxaawo ee gobolka Gedo kadib markii uu halkaas tegay Cabdirashiid Janan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":100444,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,78],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100443"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100443"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100443\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100446,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100443\/revisions\/100446"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100444"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100443"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100443"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100443"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}