{"id":100420,"date":"2025-07-23T15:48:47","date_gmt":"2025-07-23T14:48:47","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100420"},"modified":"2025-07-23T15:48:47","modified_gmt":"2025-07-23T14:48:47","slug":"waa-kuma-macalinka-loo-magacaabay-xulka-17-jirrada","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/waa-kuma-macalinka-loo-magacaabay-xulka-17-jirrada\/","title":{"rendered":"Waa kuma macalinka loo magacaabay xulka 17-jirrada?"},"content":{"rendered":"<p>Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Macalin Daadir Aamiin Cali maanta u magcaabay tababaraha xulka 17 jirada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Daadir Aamiin Cali oo ah ciyaaryahan hore iyo macalin si weyn looga yaqaan kubadda cagta Soomaaliya ayaa loo magacaabay xulka 17-jirrada Soomaaliya.<\/p>\n<p>Daadir Aamiin Cali ayaa markii ugu horreysay xulka kubadda cagta Soomaaliya u ciyaaray sanadkii 2011-kii, iyadoo kadibna uu sanado badan matalay qaranka.<\/p>\n<p>Macalin Daadir Aamiin Cali ayaa u soo ciyaaray kooxaha kala ah Muqdishu City Club (MCC), horayna loogu aqoon jiray Banaadir Sports Club, iyo naadiga Elman Sports Club.<\/p>\n<p>Macalinka cusub ee loo magacaabay xulka 17-jirrada Soomaaliya, Daadir Aamiin Cali, ayaa soo gabagabeeyay waqtigiisa ciyaarista kubadda cagta sanadkii 2019-kii.<\/p>\n<p>Kadib markii uu ka fariistay ciyaarista kubadda cagta, Daadir Aamiin Cali ayaa noqday macalin kobadeed ama tababare isagoo soo layliyay qaar ka mid ah kooxaha horyaalka dalka.<\/p>\n<p>Macalin Daadir Aamiin Cali ayaa sidoo kale layliyay xulka gobolka Banaadir tartanka maamul-goboleedyada Soomaaliya, isagoo hal jeer kula guuleystay tartanka.<\/p>\n<p>Macalin Daadir Aamiin ayaa sidoo kale Muqdishu City Club (MCC),waxaa uu kula guulaystay soryaalka Soomaaliya.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya ayaa Macalin Daadir Aamiin Cali maanta u magcaabay tababaraha xulka 17 jirada Soomaaliya. Daadir Aamiin Cali oo ah ciyaaryahan hore iyo macalin si weyn looga yaqaan kubadda cagta Soomaaliya ayaa loo magacaabay xulka 17-jirrada Soomaaliya. Daadir Aamiin Cali ayaa markii ugu horreysay xulka kubadda cagta Soomaaliya u ciyaaray sanadkii 2011-kii, iyadoo&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100421,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[89,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100420"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100420"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100420\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100423,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100420\/revisions\/100423"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100421"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100420"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100420"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100420"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}