{"id":100345,"date":"2025-07-21T12:43:22","date_gmt":"2025-07-21T11:43:22","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100345"},"modified":"2025-07-21T13:45:41","modified_gmt":"2025-07-21T12:45:41","slug":"diyaarad-dagaal-oo-ku-burburtay-dalka-bangaladesh","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/diyaarad-dagaal-oo-ku-burburtay-dalka-bangaladesh\/","title":{"rendered":"Diyaarad dagaal oo ku burburtay dalka Bangaladesh"},"content":{"rendered":"<p>Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Bangladesh ayaa maanta ku dhacday gudaha xarunta dugsiga sare ee Milestone School and College oo ku yaalla xaafadda Uttara ee magaalada Dhaka.<\/p>\n<p>Shilkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 19 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen.<\/p>\n<p>Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay ku dhacday mid ka mid ah dhismayaasha dugsiga, xilli ay arday iyo macallimiin ku jireen casharro.<\/p>\n<p>Qarax xooggan iyo dab ka dhashay shilkan ayaa sababay dhimasho iyo dhaawacyo halis ah oo loola cararay xarumaha caafimaadka.<\/p>\n<p>Wararka hordhaca ah waxay sheegayaan in ka badan 50 qof la dhigay isbitaalada magaalada, halka qaar kalena ay soo gaareen dhaawacyo gubasho ah.<\/p>\n<p>Diyaaradda, oo nooca tababarka ah ee F-7 BGI ahayd, ayaa ka kacday saldhig ciidan dhowr daqiiqo kahor shilka, waxaana la rumeysan yahay in cilad farsamo ay sababtay in ay ka weecato jihadeeda islamarkaana ku dhacdo dhismaha iskuulka.<\/p>\n<p>Dowladda Bangladesh ayaa ballan qaaday in ay baareyso dhacdadan, iyadoo madaxweynaha ku meel gaarka ah, Muhammad Yunus, uu tacsi u diray qoysaska dhibanayaasha.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Diyaarad dagaal oo ay leeyihiin ciidamada cirka ee Bangladesh ayaa maanta ku dhacday gudaha xarunta dugsiga sare ee Milestone School and College oo ku yaalla xaafadda Uttara ee magaalada Dhaka. Shilkaan ayaa waxaa la xaqiijiyay in ay ku geeriyoodeen ugu yaraan 19 qof, tiro kalena ay ku dhaawacmeen. Goobjoogayaal ayaa sheegay in diyaaradda ay ku&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100346,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100345"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100345"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100345\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100347,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100345\/revisions\/100347"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100346"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100345"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100345"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100345"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}