{"id":100297,"date":"2025-07-20T10:19:05","date_gmt":"2025-07-20T09:19:05","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100297"},"modified":"2025-07-20T10:19:57","modified_gmt":"2025-07-20T09:19:57","slug":"100297-2","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/100297-2\/","title":{"rendered":"Puntland oo amartay in dib loo soo celiyo hubkii lagala dagay Markabka ku socday Muqdisho"},"content":{"rendered":"<p>Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Raas-Casayr ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa amray in la baaro, lana soo celiyo hubkii fududaa ee laga dejiyay Markab lagu magacaabo Sea World, kaasoo lagu qabtay biyaha xeebta degmada Bareeda, gobolka Raas-Casayr, 18-ka Luulyo 2025.<\/p>\n<p>Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee xeer-ilaalintu u dirtay Taliska Booliiska gobolkaas, markabkan oo laga leeyahay dalka Comoros ayaa siday hub qayb ka mid ah gacanta u galay dad shacab ah ku sugna degmooyinka Bareeda iyo Caluula.<\/p>\n<p>Laamaha amniga ayaa lagu wargeliyay in si degdeg ah loo bilaabo baaritaan buuxa oo lagu ogaanayo cida mas\u2019uulka ka ah in hubka gacanta u galo dadka rayidka ah.<\/p>\n<p>Puntland ayaa sidoo kale billaawday baadhitaanno iyo tirokoob ku saabsan hubka saaran Markabka Sea World oo hadda ku xiran dekedda Boosaaso.<\/p>\n<p>Ilaa hadda ma jirto cid si rasmi ah u sheegatay lahaanshaha hubkan culus, iyada oo isha lagu wada hayo tillaabada Puntland qaadi karto iyo sidoo kale warka dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga.<\/p>\n<p><strong>Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka<\/strong><\/p>\n<p><img decoding=\"async\" loading=\"lazy\" class=\"\" src=\"https:\/\/scontent.fmgq1-2.fna.fbcdn.net\/v\/t39.30808-6\/519500678_1281908426632568_979151081772214500_n.jpg?_nc_cat=100&amp;ccb=1-7&amp;_nc_sid=833d8c&amp;_nc_ohc=o6PENvIsjTwQ7kNvwHkJ9sr&amp;_nc_oc=AdlkoNpu5WSJ4D_Vxyi5ATbgzqdtP4bD9lk3YW8Hgvhb0gOsnhCA7HvhdSclk46HGcs&amp;_nc_zt=23&amp;_nc_ht=scontent.fmgq1-2.fna&amp;_nc_gid=kFV22TdIpTE5kaXVC81AmA&amp;oh=00_AfR2i5bCwKwVNG9ly-XONTetwK1jGdPIzZoZMMdNA7VQOw&amp;oe=68829B75\" alt=\"May be an image of text\" width=\"1000\" height=\"1294\" \/><\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafiiska Xeer-ilaalinta Gobolka Raas-Casayr ee Dowlad-goboleedka Puntland ayaa amray in la baaro, lana soo celiyo hubkii fududaa ee laga dejiyay Markab lagu magacaabo Sea World, kaasoo lagu qabtay biyaha xeebta degmada Bareeda, gobolka Raas-Casayr, 18-ka Luulyo 2025. Sida ku cad qoraalka rasmiga ah ee xeer-ilaalintu u dirtay Taliska Booliiska gobolkaas, markabkan oo laga leeyahay dalka&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100265,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[1],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100297"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100297"}],"version-history":[{"count":2,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100297\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100299,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100297\/revisions\/100299"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100265"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100297"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100297"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100297"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}