{"id":100280,"date":"2025-07-19T12:41:00","date_gmt":"2025-07-19T11:41:00","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100280"},"modified":"2025-07-19T12:41:00","modified_gmt":"2025-07-19T11:41:00","slug":"raiisul-wasaare-xamsaraiisul-wasaare-xamsa-oo-la-kulmay-danjiraha-jaamacadda-carabta-oraiisul-wasaare-xamsa-oo-la-kulmay-danjiraha-jaamacadda-carabtao-la-kulmay-danjiraha-jaamacadda-carabta","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/raiisul-wasaare-xamsaraiisul-wasaare-xamsa-oo-la-kulmay-danjiraha-jaamacadda-carabta-oraiisul-wasaare-xamsa-oo-la-kulmay-danjiraha-jaamacadda-carabtao-la-kulmay-danjiraha-jaamacadda-carabta\/","title":{"rendered":"Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa oo la kulmay Danjiraha Jaamacadda Carabta"},"content":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Cabdalla Cuteybi.<\/p>\n<p>Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee Soomaaliya kala dhaxaysa waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta.<\/p>\n<p>Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay dib-u-dhiska dhaqaalaha, horumarinta siyaasadda iyo xasillinta amniga dalka.<\/p>\n<p>Danjire Cabdalla Cuteybi, dhankiisa, wuxuu sheegay in wafdi heer sare ah oo ka socda Jaamacadda Carabta ay dhowaan booqan doonaan Soomaaliya, si ay uga fuliyaan mashaariic horumarineed.<\/p>\n<p>Danjiraha ayaa sidoo kale muujiyay sida Soomaaliya ay door muuqda uga ciyaarayso horumarinta iskaashiga wadamada xubnaha ka ah ururkaasi.<\/p>\n<p>Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku doonayso in ay ku xoojiso xiriirrada diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya ururada iyo dowladaha gobolka.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Ra\u2019iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Danjiraha Ururka Jaamacadda Carabta u qaabilsan Soomaaliya, Cabdalla Cuteybi. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray kor u qaadidda xiriirka dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga ee Soomaaliya kala dhaxaysa waddamada ku bahoobay Ururka Jaamacadda Carabta. Ra\u2019iisul Wasaare Xamsa ayaa Danjiraha la wadaagay guulaha ay&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":9,"featured_media":100281,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100280"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/9"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100280"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100280\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100282,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100280\/revisions\/100282"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100281"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100280"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100280"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100280"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}