{"id":100227,"date":"2025-07-17T09:53:06","date_gmt":"2025-07-17T08:53:06","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100227"},"modified":"2025-07-17T09:53:06","modified_gmt":"2025-07-17T08:53:06","slug":"trump-oo-saxiixay-sharci-saameyn-ku-yeelanaya-dadka-soomaaliyeed","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/trump-oo-saxiixay-sharci-saameyn-ku-yeelanaya-dadka-soomaaliyeed\/","title":{"rendered":"Trump oo saxiixay sharci saameyn ku yeelanaya dadka Soomaaliyeed"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa saxiixay sharci saameyn ku yeelanaya dadka Soomaaliyeed ee lacagaha looga soo diro dalkaasi.<\/p>\n<p>Sharcigaan cusub ayaa ku waajibanaya qofka lacag u diraya dibadda sida Soomaaliya, iyada oo lagu soo rogay canshuur dhan 3.5%, tillaabadaasi ayaa walaac ku abuureysa dadka Soomaalida ee sida joogtada u taageera qoysaskooda.<\/p>\n<p>Mareykanka waxaa ku sugan Soomaali badan oo lacago ay shaqeystan ama ay helaan ku taageera reerahooda si ay u daboolaan baahiyaha aasaasiga ee nolosha sida cuntada, biyaha, waxbarashada iyo daryeelka caafimaadka.<\/p>\n<p>Lacagaha oo sannadkii gaara Balaayiin Dollar ayaa waxaa laga diraa xawaaladaha Soomaalida, kuwaasi oo sahlaya in ay gaarto dadkii loogu talagalay.<\/p>\n<p>Sharcigan cusub ee culeyska ku noqonaya dadka aan u dhalan Mareykanka sida Soomaalida ayaa waxaa looga goleeyahay in lagu kordhiyo\u00a0 dakhliga gudaha ee dalka Maraykanka.<\/p>\n<p>Dalalka sida gaarka ah loo soo calaameeyay in ay cashuurahan saameyn doonaan ayaa waxaa kamid ah Soomaaliya, Hindiya iyo Mexico oo Balaayiin Dollar sannadkii ay mari jireen Xawaaladaha.<\/p>\n<p>Sanadkii 2023-ka, qurbojoogta Soomaaliyeed ayaa dalkooda u soo diray lacag gaaraysa 1.73 bilyan oo dollar, taasi oo ka badan taageerada ay Soomaaliya ka hesho Beesha Caalamka.<\/p>\n<p>Hay\u2019adaha samafalka sida Oxfam ayaa horey u sheegay in lacagaha xawaaladaha ay badbaadiyeen nolosha kumanaan Soomaali ah.<\/p>\n<p>Dalalka kale sida Hindiya, oo sanadkii hore qurbajoogtooda u direen in ka badan 119 bilyan oo dollar, iyaga ayaa la kulmi doona khasaare iyo hoos dhaca ay sababi doonto Canshuurta cusub.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa saxiixay sharci saameyn ku yeelanaya dadka Soomaaliyeed ee lacagaha looga soo diro dalkaasi. Sharcigaan cusub ayaa ku waajibanaya qofka lacag u diraya dibadda sida Soomaaliya, iyada oo lagu soo rogay canshuur dhan 3.5%, tillaabadaasi ayaa walaac ku abuureysa dadka Soomaalida ee sida joogtada u taageera qoysaskooda. Mareykanka waxaa ku sugan&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":96097,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83,59],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100227"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100227"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100227\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100228,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100227\/revisions\/100228"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/96097"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100227"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100227"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100227"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}