{"id":100200,"date":"2025-07-16T14:48:41","date_gmt":"2025-07-16T13:48:41","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100200"},"modified":"2025-07-16T14:48:41","modified_gmt":"2025-07-16T13:48:41","slug":"maxay-ka-wada-hadleen-madaxda-turkiga-iyo-imaaradka","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/maxay-ka-wada-hadleen-madaxda-turkiga-iyo-imaaradka\/","title":{"rendered":"Maxay ka wada hadleen Madaxda Turkiga iyo Imaaradka?"},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdo\u011fan.<\/p>\n<p>Kulanka labada mas\u2019uul ayaa ka dhacay magaalada Ankara, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal.<\/p>\n<p>Sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin Duran, labada Madaxweyne ayaa diiradda saari doona sidii loo xoojin lahaa xiriirka istiraatiijiyadeed.<\/p>\n<p>Waxayna sidoo kale is dhaafsan doonaan aragtiyo ku saabsan arrimaha gobolka, gaar ahaan xaaladda ka taagan Gaza iyo xiriirka u dhexeeya Israa\u2019iil iyo Suuriya.<\/p>\n<p>Khubarada siyaasadda ayaa booqashadan ku tilmaamay mid taariikhi ah oo calaamad u ah biseylka cusub ee xiriirka ka dhexeeya Ankara iyo Abu Dhabi.<\/p>\n<p>Prof. Nilhan Suay Acikalin oo ka tirsan Jaamacadda Haci Bayram Veli ayaa sheegay in kulanka labada hoggaan lagu lafa-guri doono mashaariic maalgelineed iyo arrimaha la xiriira gargaarka bani\u2019aadamnimo.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Isutagga Imaaraadka Carabta, Sheikh Mohamed bin Zayed Al Nahyan, ayaa maanta booqasho rasmi ah ku tagay dalka Turkiga, kaddib casuumaad uu ka helay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdo\u011fan. Kulanka labada mas\u2019uul ayaa ka dhacay magaalada Ankara, iyagoo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga istiraatiijiyadeed ee labada dal. Sida uu xaqiijiyay Agaasimaha Isgaarsiinta Madaxtooyada Turkiga, Burhanettin&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100201,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100200"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100200"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100200\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100202,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100200\/revisions\/100202"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100201"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100200"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100200"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100200"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}