{"id":100134,"date":"2025-07-15T06:45:56","date_gmt":"2025-07-15T05:45:56","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100134"},"modified":"2025-07-15T06:47:20","modified_gmt":"2025-07-15T05:47:20","slug":"mareykanka-oo-canshuur-ku-soo-roogay-yaanyada-uga-timaada-mexico","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/mareykanka-oo-canshuur-ku-soo-roogay-yaanyada-uga-timaada-mexico\/","title":{"rendered":"Mareykanka oo canshuur ku soo roogay Yaanyada uga timaada Mexico"},"content":{"rendered":"<p>Dowladda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday canshuur dhan 17% oo la saaray yaanyada ka timaadda dalka Mexico, taas oo meesha ka saareysa heshiis saddex iyo labaatan sano ka dhaxeeyay labada dal.<\/p>\n<p style=\"text-align: left;\">Go&#8217;aankan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, iyadoo dowladda Mareykanka ay cadaadis saareyso Mexico si ay uga gaarto heshiis guud oo ganacsi oo labada dal dhexmara kahor 1-da Agoosto.<\/p>\n<p>Haddii taas la waayo, badeecadaha Mexico oo dhan ayaa la filayaa in lagu soo rogo canshuur guud oo gaaraysa 30%.<\/p>\n<p>&#8220;Mexico weli waa mid ka mid ah xulafadeenna ugu weyn, balse muddo dheer ayay beeraleyda Mareykanka cadaadis ku saarnaayeen dhaqammo ganacsi oo aan caddaalad ahayn, kuwaas oo hoos u dhigay qiimaha dalagyada sida yaanyada,&#8221; ayuu yiri Xoghayaha Ganacsiga Mareykanka, Howard Lutnick, oo warsaxaafadeed soo saaray.<\/p>\n<p>Wuxuu intaa ku daray in isbeddelkan uu la jaanqaadayo siyaasadaha ganacsi ee Madaxweyne Trump iyo aragtidiisa ku aaddan xiriirka ganacsi ee Mexico.<\/p>\n<p>Wasaaradda Ganacsiga Mareykanka ayaa horey bishii Abriil u sheegtay inay muddo 90 maalmood ah gudaheed uga bixi doonto heshiiska, iyadoo sabab uga dhigtay inuusan si buuxda u difaacin beeraleyda Mareykanka ee yaanyada ka ganacsada.<\/p>\n<p>Mexico ayaa la sheegay in ay hadda bixiso ku dhawaad 70% yaanyada suuqa Mareykanka, halka sanadkii 1994 ay ahayd qiyaastii 20%, sida lagu sheegay warbixin ay bixiyeen ururka Florida Tomato Exchange.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n<p>&nbsp;<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Dowladda Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku dhawaaqday canshuur dhan 17% oo la saaray yaanyada ka timaadda dalka Mexico, taas oo meesha ka saareysa heshiis saddex iyo labaatan sano ka dhaxeeyay labada dal. Go&#8217;aankan ayaa si rasmi ah loogu dhawaaqay, iyadoo dowladda Mareykanka ay cadaadis saareyso Mexico si ay uga gaarto heshiis guud oo ganacsi&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":14,"featured_media":100137,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[83],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100134"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/14"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100134"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100134\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100135,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100134\/revisions\/100135"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100137"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100134"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100134"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100134"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}