{"id":100010,"date":"2025-07-10T15:23:38","date_gmt":"2025-07-10T14:23:38","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/?p=100010"},"modified":"2025-07-10T15:23:38","modified_gmt":"2025-07-10T14:23:38","slug":"hayadaha-hantidhowrka-soomaaliya-turkiga-oo-kala-saxiixday-heshiis-is-afgarad-ah","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/hayadaha-hantidhowrka-soomaaliya-turkiga-oo-kala-saxiixday-heshiis-is-afgarad-ah\/","title":{"rendered":"Hay\u2019adaha hantidhowrka Soomaaliya &#038; Turkiga oo kala saxiixday heshiis is afgarad ah"},"content":{"rendered":"<p>Xafiiska hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya\u00a0 iyo maxkamadda xisaabta ee jamhuuriyadda Turkiga\u00a0 ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is af-garad ah.<\/p>\n<p>Hishiiska ay gaareen labada hay\u2019adood ayaa ku saabsan qodobo dhowr ah oo ay ka midyihiin; is dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xariirta man-hajka iyo habraacyada fulinta Hantidhowris madaxbannaan iyo korjoogteynta hannaanka Maareynta Maaliyadda Guud ee Qaranka,<\/p>\n<p>Sidoo kale labada hay\u2019adood isla gartay wadaagista waaya-aragnimada la xariirta Baarisyada waxqabadka, u Hoggaansanaanta Sharciga, Nidaamyada Macluumaadka Teknolajiyadda, heshiisyada dheef-wadaagga iyo falanqeynta xogaha.<\/p>\n<p>Qodobada kale waxaa ka mid ah Suuragelinta iyo fududeynta waxbarashada Masters-ka iyo PhD ee la xiriirta Maaddooyinka Sharciga iyo Xeer-dejinta, Dembiyada Maaliyadda, Caddaaladda Dembiyada, IT-ga, Xisaabaadka, Dhaqaalaha, Tiro-koobka, Baarisyada Waxsoosaar Khayraadka, Baarista iyo ka Warbixinta Maamulka Miisaaniyadda Guud.<\/p>\n<p>Taageeridda horumarka Unugyada Baarista Waxsoosaar Khayraadka, dabagalka Natiijada Warbixinnada iyo Tala-soojeedinnada Hantidhowrka, Isku-xirka Hantidhowrista kala duwan iyo xoojinta fahamka waxtarka Mabdiida Hantidhowrista.<\/p>\n<p>Taabagalidda heshiiskan ayaa la filayaa in ay sara u qaado xirfadaha hantidhowrka Soomaaliya\u00a0 si loo helo Hantidhowris madaxbannaan oo xirfad sare ku dhisan.<\/p>\n<p>Munaasabadda heshiiskan lagu kala saxiixday waxaa goobjoog ka ahaa Hantidhowraha guud ee Qaranka Abuukaate Axmed Guutaale iyo dhiggiisa dalka Turkiga Metin Yener.<\/p>\n<p><strong>Mustaqbal<\/strong><\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Xafiiska hantidhowrka guud ee Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya\u00a0 iyo maxkamadda xisaabta ee jamhuuriyadda Turkiga\u00a0 ayaa magaalada Ankara ku kala saxiixday heshiis is af-garad ah. Hishiiska ay gaareen labada hay\u2019adood ayaa ku saabsan qodobo dhowr ah oo ay ka midyihiin; is dhaafsiga xirfadaha iyo culuumta la xariirta man-hajka iyo habraacyada fulinta Hantidhowris madaxbannaan iyo korjoogteynta hannaanka Maareynta&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":11,"featured_media":100011,"comment_status":"closed","ping_status":"closed","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":{"footnotes":""},"categories":[59,85],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100010"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/users\/11"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=100010"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100010\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":100012,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/100010\/revisions\/100012"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media\/100011"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=100010"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=100010"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/so\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=100010"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}