{"id":1980,"date":"2022-03-19T16:40:07","date_gmt":"2022-03-19T16:40:07","guid":{"rendered":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/?p=1980"},"modified":"2022-03-19T16:40:07","modified_gmt":"2022-03-19T16:40:07","slug":"madaxweynaha-dowlad-gobaleedka-kg-oo-kulan-la-qaatay-guddiga-doorashooyinka-heer-dowlad-gobaleed-seit-kgs","status":"publish","type":"post","link":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/madaxweynaha-dowlad-gobaleedka-kg-oo-kulan-la-qaatay-guddiga-doorashooyinka-heer-dowlad-gobaleed-seit-kgs\/","title":{"rendered":"Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka KG oo kulan la qaatay Guddiga Doorashooyinka Heer Dowlad Gobaleed (SEIT) KGS."},"content":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka (SEIT) Koonfur Galbeed, ka dib dhameystirka Doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay KG.<\/p>\n<p>Cabdicasiis Maxamed Xasan ayaa\u00a0<strong>\u201cGudiga uga Mahadceliyey Dadaalka ay ku bixiyeen qabashada Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.\u201d\u00a0\u00a0<\/strong>Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Koonfur Galbeed.<\/p>\n<p>15 Maarsho 2022 ayaa lagu soo gabogabeeyay KGS Doorashada BFS. Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa saami ahaan waxa ay BFS ku leeyihiin 69 kursi oo Golaha Shacabka iyo 8 kursi oo Aqalka Sare wadarta guud ee KGS ayaa ah 77 kursi.<\/p>\n<p>69 kursi ayaa badankooda ku cusub yihiin Baarlamaanka 11aad ayada oo ay ka hareyn Siyaasiyiin aad loogu saadaalinaayay in ay ku soo baxayaan doorashada, kuwaas oo ay ka mid yihii Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo Guddoomiye kuxigeenkiisa koowaad ee Golaha Shacabka Cabdiweli Muudey kaas oo loo diiday in uu ka dhoofo Garoonka Aadan Cadde.<\/p>\n<p>Dhanka kale Madaxweynihii hore ee Dowlad Gobaleedkaas Shariif Sheekh Aadan ayaa ka mid ahaa Siyaasiyiinta loo diiday in ay u tartamaan kuraasta uu damac kaga jiray in ay soo qaataan.<\/p>\n<p>Koonfur Galbeed ayaa noqotay Dowlad Gobaleedkii koowaad oo soo dhammeeyay doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, dhanka kale waa maamulkii saddexaad ee soo idleeya doorashada oo waxaa ka horreeyay Maamulada Soomaaliland &amp; Banaadiri.<\/p>\n","protected":false},"excerpt":{"rendered":"<p>Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa maanta kulan la qaatay Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Dowlad Goboleedka (SEIT) Koonfur Galbeed, ka dib dhameystirka Doorashada kuraasta Golaha Shacabka BFS kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay KG. Cabdicasiis Maxamed Xasan ayaa\u00a0\u201cGudiga uga Mahadceliyey Dadaalka ay ku bixiyeen qabashada Doorashada Xildhibaanada Labada Aqal ee Barlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ee Deegaan Doorashadooda ay tahay Koonfur Galbeed.\u201d\u00a0\u00a0Sida lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Koonfur Galbeed. 15 Maarsho 2022 ayaa lagu soo gabogabeeyay KGS Doorashada BFS. Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed ayaa saami ahaan waxa ay BFS ku leeyihiin 69 kursi oo Golaha&#8230;<\/p>\n","protected":false},"author":1,"featured_media":1981,"comment_status":"open","ping_status":"open","sticky":false,"template":"","format":"standard","meta":[],"categories":[1],"tags":[],"_links":{"self":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1980"}],"collection":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/posts"}],"about":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/types\/post"}],"author":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/users\/1"}],"replies":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/comments?post=1980"}],"version-history":[{"count":1,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1980\/revisions"}],"predecessor-version":[{"id":1982,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/posts\/1980\/revisions\/1982"}],"wp:featuredmedia":[{"embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/media\/1981"}],"wp:attachment":[{"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/media?parent=1980"}],"wp:term":[{"taxonomy":"category","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/categories?post=1980"},{"taxonomy":"post_tag","embeddable":true,"href":"https:\/\/mustaqbalmedia.net\/doorashooyinka\/wp-json\/wp\/v2\/tags?post=1980"}],"curies":[{"name":"wp","href":"https:\/\/api.w.org\/{rel}","templated":true}]}}